Chelsea Oo Goolhaye Ka Heshay Premier League & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0
82

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa sidoo kale xiisaynaysa da’yarka garabka weerar ee Barcelona ee Abde Ezzalzouli oo haatan amaah ugu maqan Osasuna. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Liverpool ayaa ku biirtay tartanka weeraryahanka Napoli ee Victor Osimhen oo ay doonayso Manchester United. (Fichajes – in Spanish)

Liverpool ayaa doonaysa goolhayaha 20 sano jirka ah ee kooxda Anderlecht ee Bart Verbruggen. (Sun)

Tababaraha cusub ee Everton ee Sean Dyche ayaa muhiimada koowaad ka dhigtay inuu heshiis cusub ka saxeexo goolhaye Jordan Pickford. (Sun)

Tottenham ayaa war xun ka heshay khadkeeda dhexe ee Rodrigo Bentancur oo dhaawac jilibka ah ku maqnaanaya lix ilaa toddoba bilood. (Guardian)

Tababarihii hore ee Leeds United ee Jesse Marsch ayaa kamida macalimiinta ay magacaabistooda tixgelinayso Southampton oo shalay tababaraheedii caydhisay. (Athletic – subscription required)

Southampton ayaa sidoo kale xiisaynaysa tababaraha kooxda Torino ee Ivan Juric. (Mail)

Newcastle United ayaa Liverpool iyo Barcelona kaga horreysa tartanka khadka dhexe ee Eintracht Frankfurt ee Daichi Kamada. (CaughtOffside)

Southampton iyo Leeds ayaa labaduba isha ku haya tababaraha ree Argentina ee Marcelo Gallardo. (Football Insider)

Adrien Rabiot ayaa sheegay inuusan ogayn waxa dhici doona marka heshiiskiisa Juventus dhaco xagaaga. (DAZN, via Football Italia)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here