CHAMPIONS: Real Madrid Oo Ku Guuleysatay Club World Cup Ka Dib Markii Xasuuqeen Al Hilla.

0
93

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Real Madrid ayaa ku guuleysatay rikoodh markii shanaad koobka Club World Cup ka dib markii ay xasuuqeen ciyaartii finalka kooxda Al Hilal oo ay ku garaaceen 5-3.

Min labo gool ay dhaliyeen Vinicius Jr iyo Valverde iyo gool kale uu saxiixay Karim Benzema ayaa Real Madrid ka saaciday inay cashar u dhigto Al Hilal islamarkaana ay hanato Koobka Kooxaha Adduunka markii shanaad, iyadoo ah kooxda ugu guulaha badan tartanka.

Los Blancos ayaa ciyaar aad u fiican soo bandhigtay, waxayna ku qaadatay kaliya 13 daqiiqo inay hogaanka u qabtaan ciyaarta markii Benzema uu kubad u dhigay Vinicius Jr oo ku guuleystay inuu ka hoos bixiyo goolhayaha Al Hilal.

Shan daqiiqo ka dib Real Madrid ayaa dhalisay goolkeedii labaad ee ciyaarta markii karoos uu soo dhigay Modric oo ay iska bixin weysay Al Hilal uu helay Federico Valverde kaasoo shabaqa ku shubay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here