Magaca Uu Lisandro Martinez Ugu Yeedho Saaxiibkiisa Man United Ee Weghorst.

0
88

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Daafaca kooxda Manchester United ee Lisandro Martinez ayaa saaxiibkiisa cusub ee kooxdaas ee Wout Weghorst u bixiyay naanaysta “Bobo” kaddib isku dhacii isaga iyo Lionel Mess ee Koobkii aduunka.

Messi oo ah kabtanka Martinez ee Argentina ayaa hadalo taariikhi noqday ku yidhi Weghorst siddeed dhammaadkii Koobka aduunka oo ay iskaga hor yimaadeen.

Weghorst oo January amaah ugu soo biiray Manchester ayaa bedel kusoo galay ciyaartaas isagoo xulkiisa Netherlands kasoo guday laba gool oo Argentina ku lahayd.

Kulanka ayaa ahaa mid wakhtiyo badan oo madaw lahaa iyadoo dhinacyada labada xul marar badan isku dhaceen xilli La Albiceleste ugu dambayn rigoorayaal ku adkaadeen.

Dhacdada caanka noqotay ayaa ahayd in Weghorst uu dhinac maray Messi oo waraysi bixinayay iyadoo kabtanka Argentina ku yidhi “Que Miras Bobo” oo ka dhigan maxaad eegaysaa doqon yahaw?”.

Intaas kaddib Martinez ayaa tan iyo markii uu Weghorst kula soo biiray Old Trafford tan iyo xagagii ku dhajiyay naanaysta “Bobo” sida lagu sheegay  wargeyska Sport.

Warbixinta Sport ayaa sheegaysa in Weghorst kaftan u arko magacaas oo uusan wax cadho ah ka qaadin. Weghorst ayaa wakhtigaas sheegay inuu doonayay kaliya inuu ixtiraam u muujiyo Messi balse 35 sano jirkaasi u muuqday mid aan ku faraxsanayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here