Carruur magacooda kari waayay oo laga soo badbaadiyay dhul-gariirkii ka dhacay Turkiga.

0
54

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Caruurta ku dhaawacantay dhul gariirka ee ku jira Isbitaalka Magaalada Adana ayaa ah kuwo aad u da’yar, lamana oga khasaaraha soo gaaray inta uu la’egyahay.

Waxaan arkeynay dhakhaatiir qaybta daryeelka degdega ah dhalo ku quudinaysa gabadh lix bilood jir ah oo dhaawacan isla markaana aan waalidkeeda meelna lagu ogeyn.

Waxa jira boqollaal kiis oo kale oo carruur aan la aqoonsan ah waalidkooduna dhintay ama weli la weysanyahay.

Dhul-gariirku wuxuu burburiyay guryahoodii taasoo sababtay in aan weli laga helin wax aqoonsiyo ah waxaana muuqata in hadda magacyadooda aan la garan Karin.

Dr Nursah Keskin ayaa gacanta ku qabatay gabadha yar oo ku jirta qaybta daryeelka degdega ah waxaa loo yaqaan oo kaliya sumadda sariirteeda saran oo dhaqaatiirtu ay isku fahmaan.

Waxaa ka muuqda dhaawacyo iyo wejigeeda oo si xun nabarro u gaareen balse wey dhoolla caddeynaysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here