Daraasad lagu Ogaaday Caafimaad darada kadhalan karta Fadhiga badan.

0
101

Jowhar- (Isnaay Radio)- Saynis yahanada iyo khubarada caafimaadku, ayaa waxay caddeeyeen in fadhiga badan uu keeni karo xaalado xun oo caafimaad oo tiro badan, kuwaasoo daciifin kara qofka.

Khabiir lagu magacaabo Dr. Udodi Okoli, ayaa sidoo kale sheegay in “fadhiga saacado badan uu qofka ku keeni karo dhibaato xagga laf dhabarta, gaar ahaan haddii aanu qofku si fiican u fadhiisan, ama aanu u isticmaalin kursi looggu talo galay inuu si raaxo leh ugu fariisto”.

Waxa uu sheegay in haddii qofku uu saacado badan hor fadhiyo kombuyuutarkiisa, oo aanu madaxiisa ama luquntiisa u dhigin sida saxda ah, in qoortu ay iman karto inay dhaawacanto.

Waxa kale oo uu sheegay in dhaqdhaqaaqa jirka ee qofka oo yaraada, ay keeni karto in ruuxiisu hoos u dhaco, ama ay saamayn xun ku yeelato caafimaadka maskaxdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here