Dad gaaraya 16 ruux oo ku geeriyooday dhisme dabaq ah oo ku dumay Suuriya.

0
88

Jowhar- ( Radio Isnaay ) – Tirada dadka la og yahay in ay dhinteen ayaa gaartay 16 ruux ka dib markii uu dumay dhismo ka kooban shan dabaq oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee Suuriya.

Qaar kale ayaa loo maleynayaa inay ku hoos jiraan burburka dhismaha ee magaalada Xalab.

Kooxda la socota xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in dadka ay dhibaatadu soo gaartay ay ahaayeen dad ka soo barakacay degmada Afrin ee waqooyiga dalkaasi.

Biyo daadad ku yimid oo gaaray aasaaska dhismaha ayaa lagu soo waramayaa inay sababeen burburka.

Waxaa loo malaynayaa in dad badan oo ku barakacay colaadda Suuriya ay u guureen guryo aan qaab dhismeedkoodu wanaagsanayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here