Turkiga oo ishortaagay booqasho wasiir Sweden ka socda uu Ankara ku iman lahaa.

0
93

Jowhar – ( Radio Isnaay )  -Turkiga ayaa joojiyey booqasha uu wasiirka gaashaandhigga Sweden uu ku iman lahaa Ankara.

Wasiirka gaashaan dhigga Turkiga Hulusi Akar wuxuu sheegay go’aankaasi inuu yimid kaddib marki ay hay’adaha dowliga ee Sweden ay oggolaasho siiyeen inuu magaalada Stockholm uu ka qabsoomo dibad bax looga soo horjeeda Turkiga.

Rasmus Paludan oo ah siyaasi Denmark iyo Sweden ka soo jeeda wuxuu isku dayey inuu qur’aanka kariimka u uku horgubo safaaradda Turkiga.

Taageerayaasha Turkiga iyo Kurdiyiinta ayaa sida oo kale qorsheynayey iney halkaasi mudaharaad ka dhigaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here