Sweden oo sheegtay inay wax ka beddeleyso shuruucda muhaajiriinta.

0
111

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalalka Yurub waxaa ku soo badanaya xisbiyada midigta fog oo aalaaba ka soo horjeeda muhaajiriinta, isla markaana u ololeeya in la qaado tallaabooyin adag oo la xiriira dadka magangelyo doonka ah.

Haatan, ra’iisal wasaaraha dalka Sweden ayaa wuxuu cadaadis kala kulmay baarlamaanka Midawga Yurub oo su’aalo adag ka weydiiyey ku tiirsanaanta xukuumaddiisa ee xisbiyada midigta fog.

Ra’iisal wasaaraha Sweden ayaa isagu ku dooday inay dalalka Finland, Denmark iyo Norway ay ka dhisan yihiin xukuumado la mida kuwa dalkiisa ka dhisan, isla markaana aanay jirin sabab si gaara loogu eego xukuumaddiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here