Ten Hag oo Ku Digtay Arsenal.

0
114

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tababaraha Man United ee Ten Hag ayaa ka hadlay barbar dhicii xalay ee Crystale Palace ee horyaalka iyo kulanka ku soo wajahan Arsenal ee horyaalka

Palace ayaa waqtigi dheeriga waxa ay United ka afuubteen guul jeebka u sii galeysay xilligaas oo ay bar bar dhac min hal gool ah ku qabteen

Sky Sport ayuu Ten Hag ka yiri ” ma dhihi karno kulan cajiib ayaan ciyaarnay balse ma aheyn mid xun, waxa ay aheyd in kubad haysashadeena ka mira dhilanno”
Kaarkii digniinta Casemero ee uu ku seegayo kulanka Arsenal waxa uu Ten Hag ka yiri” xaalad halis ayaa jirtay  waxa uu isku dayay in uu fashiliyo ma jirrin wax kale ee uu sameyn karay”
“Xiddig muhiim ah ayuu inoo yahay marka la eego booskaas , balse markii ugu dabmbeysay Arsenal wajahnay bilaa Casemero ayaan aheyn waana garaacnay hadana sidaas ayaan sameyneynaa” ayuu yiri macalinka
Waxa uu macalinka intaas sii raaciyay” horay ayaan u soconeynaa , qorshe cajiib ah ayaan u dagsanayaa Arsenal , ciyaartooydeyda waa in ay diyaar u ahaadaan dagaalkaas”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here