Raphinha oo Iska Diiday inuu ka tago kooxda Xili ay xiiseyneyso Arsenal.

0
105

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga garabka uga ciyaara Barcelona Raphinha ayaa lagu soo waramayaa inuusan qorsheyneynin inuu ka tago kooxda iyadoo ay xiiseyneyso Arsenal .

Gunners ayaa la filayaa inay dib ugu laabato suuqa kala iibsiga bisha Janaayo ka dib markii ay weyday bartilmaameedkii ugu sarreeyay ee Mykhaylo Mudryk , kaasoo 88.6 milyan ginni uga soo wareegay Shakhtar Donetsk oo uu ugu biiray Chelsea Axadii.

Kooxda Mikel Arteta ayaa haatan ku fudud waaxda weerarka iyada oo saxiixii xagaaga ee Gabriel Jesus uu wajahayo muddo dheer oo uu garoomada ka maqnaan doono ka dib markii qaliin jilibka ah lagu sameeyay dhamaadkii sanadkii hore.

Warbixin dhawaan la soo saaray ayaa sheegaysa in Arsenal ay dib u soo celisay xiisihii ay u qabtay 26 jirka Raphinha kaas oo ay Gunners doonaysay in ay la soo wareegto xagaagii hore ka hor inta uuna ugu danbayn ka tagin Leeds United kuna biirin Barcelona lacag dhan £55m.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa waqtiyo isku dhafan ku soo qaatay gobolka Catalonia ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, isagoo gacan ka geystay seddex gool iyo shan caawin, lakiin waxa uu ku soo bilowday kaliya 12 ka mid ah 22 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan intii uu hogaaminayay Xavi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here