Museveni oo ku baaqay in xildhibaanadiisa laga mamnuuco safarrada dibadda

0
46

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa ku baaqay in xildhibaanadiisa iyo shaqaalaha dowladda laga mamnuuco safarrada dibadda si kharashkii ku bixi lahaa safarradaas lagu maalgeliyo adeegyada muhiimka ah.

“U sheega xildhibaanada iyo shaqaalaha dowladda inay joojiyaan safarrada dibadda, lacago badan ayaa lagu luminaya safarrada dibadda halka macadka lagu barto culuumta batroolka ee Kigumba uu ka cabanayo dhaqaale la’aan”

Wuxuu hadalkan sheegay xilli uu kormeer ku sameynayay macadka batroolka Uganda ee Kigumba (UPIK) halkaasoo dowladda dooneyso inay tababar ku siiso khuburrada si ay uga sal gaaraan shidaal barista.

Uganda waxay rajeynesaa inay ceelasheeda shidaalka ka soo saarto malaayin barmiil oo shidaal ah marka la gaaro sanadka 2025.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here