Dhismaha Garoon kubadda cagta ah oo laga dhagax dhigay degmada Balcad.

0
78
Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiiirka Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud, wasiirka wasaarada Dhalinyrada iyo ciyaaraha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Caynte, Wasiiru Dowlaha Wasaarada Dhalinyrada iyo ciyaaraha Mudane Maxamuud Bariire, Xildhibaanno Ka tirsan golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiyaha Xiriiirka Kubada Cagta Hirshabeelle iyo guddoomiyaha degmada Balcad ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Garooonka Kubada Cagta Dr Ayuub Jeenyo ee Ee degmada Balcad ee Gobolkan Shabeellaha dhexe.
Garoonkaan oo ay iska kaashadeen bulshada dagmada Balcad ee dowlada Hirshabelle iyo hay’adda IOM ayaa loo dhisi doonaa si Casri ah ayada oo la dhigi doono roogga Cagaaran ee garoomada kubadda cagta la dhigo.
Warbixintan waxaa Inoo Soo Jeedinaya : – Cabdicasiis Xasan Macalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here