Shirkad uu leeyahay Trump oo la ganaaxay illaa $1.6 milyan.

0
78

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Maxkamad ku taalla magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa Jimcihii xukun ku ridday shirkad uu leeyahay madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump, ka dib markii lagu helay dembi la xidhiidha ‘wax isdaba-marin dhinaca cashuuraha ah’ oo socotay muddo 15 sannadood ah.

Garsoore Juan Merchan oo ka tirsan maxkamadda dembiyada ee Manhattan ayaa ku xukumay shirkadda Trump lacag gaadhaysa illaa $1.6 milyan oo dollar oo ganaaxa, waana ganaaxa ugu badan ee suurto gal ah marka la eego sharciga gobolka.

Madaxweynaha hore ayaa isagu hore u dedafeeyey inuu wax ka ogaa in madaxdiidu ay si sharci darro ah uga dhuumanayeen cashuuraha.

Garsoore Merchan ayaa Salaasadii wuxuu xukun ku riday Allen Weisselberg oo muddo nus qarni ah u shaqaynayey qoyska Trump, ahaana madaxii hore ee maaliyadda ee shirkadda Trump, wuxuuna ku xukumay shan bilood oo xadhig ah.

Susan Necheles, oo ka mid ah qareenada difaacayay, ayaa sheegtay in shirkadda Trump ay qorsheyneyso inay racfaan ka qaadato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here