Shiinaha oo qirtay in dad badan u dhinteen Covid-19 bishan.

0
76

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shiinaha ayaa qirtay in ay jiraan lixdan kun oo dhimasho ah oo la xidhiidha Covid-ka bil gudaheed, ka dib go’aankii degdegga ahaa ee dawladdu ay ku joojisay xeerarkii adkaa ee xakamaynayey ee masiibadaas.

Waa markii ugu horreysay oo Beijing ay qirato baaxadda dhimashada ee uu sababay mowjadda Covid ee dalka ku dhufatay.

Muddo toddobaadyo ah, mas’uuliyiintu waxay soo tebinayeen tiro yar oo dhimasho ah maalin kasta, kuwaas oo u muuqday kuwo aan waafaqsanayn safafka dhaadheer ee loogu jiray meelaha meydka la dhigo.

Tiradan dhimasho ayaa la xidhiidha dadka isbitaallada la dhigay shantii toddobaad ee ka horreyeeyey Khamiistii la soo dhaafay. Inta badan dadka dhintay waxay kor u dhaafayeen da’aadda sideetanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here