Real Madrid Oo U Soo Gudubtay Finalka Supercopa de Espana.

0
114

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubada cagta ee Real madrid ayaa iska xaadirisay  Finalka  Supercopa de Espana.

Kooxda real madrid ayaa waxa ay kulan xiiso badan kula ciyaartay wareega Semi-Finalka Kooxda Valencia.

Labada kooxood ayaa ku kala bixi waayay barbaro gool iyo gool ah iyadoo gool rigoore ahaa uu dhaliyay Karim Benzema qeybtii hore ee ciyaarta uu kansalay xiddiga Los Che Samuel Lino.

Labada kooxood ayaa ciyaaray kubad weerar iyo weerar celis ah iyadoo Real Madrid ayaa ciyaarta heysatay 15kii daqiiqo oo ugu horeeyay iyadoo Karim Benzema uu helay fursado badan

Laakiin Valencia ayaa dhanka kale u rogtay iyadoo Edinson Cavani iyo Kluivert ay tijaabiyeen goolhaye Thibaut Courtis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here