Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha oo booqanaya 5 waddan oo Africa ah.

0
41

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa Isniintii shalay aheyd shaacisay, in wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ee Shiinaha Qin Gang uu muddo xileedkiisa cusub ku bilaabi doono, booqasho dheer oo uu ku tagi doono ilaa shan waddan oo Africa ku yaalla.

Qin, oo horay u ahaa safiirka Shiinaha ee Mareykanka ayaa booqan doona Ethiopia, Gabon, Angola, Benin iyo Masar inta u dhaxeysa 9-ka ilaa 16-ka Jannaayo. Sidaasi waxaa warfaafinta u sheegay, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Shiinaha Wang Wenbin.

Dalka Masar wuxuu Qin Gang kula kulmi doonaaa xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta iyo iyo madaxda xukuumadda Qahira.

Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda ayaa raacay dariiqii ay mareen madaxdii isaga ka horreysay oo 30-ki sano ee lasoo dhaafay uu mid walba muudo xileedkiisa cusub ku billaabay booqasho uu ku tago Africa.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Wang ayaa sheegay in dhaqankaasi siyaasadeed uu muujinayo sida uu Shiinu muhiimad weyn u siinayo saaxibtinimada soo jireenka ah kala dhaxeysa Africa iyo horumarinta xiriirka Africa iyo Shiinaha.

Qin, oo 56 jir ah, ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda 30-ki bishii December. Waxa uu bedelay Wang Yi, oo 69 jir ah, kaas isna loo magacaabay madaxa xafiiska arrimaha dibadda ee Xisbiga Shuuciga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here