Inter Milan oo Go’aan Ka Gaartay Mustaqbalka Romelu Lukaku.

0
109

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay ka niyad jabtay taam ahaansho la’aanta weeraryahanka Romelu Lukaku kaas oo amaah kula jooga kooxda.

Inter ayaa Lukaku ka soo qaadatay kooxda chelsea xagaagii waxana ay xiddiga kula wareegtay heshiis amaah ah oo xili ciyaareedka ah.

Laakiin Lukaku ayaa ku dhibaatoonaya in uu taam noqdo isaga oo ay dhibeen dhaawacyo soo gaadhay.

 

 

Wararka ka imanaya Italy ayaa sheegaya in ay Inter Milan khaati ka taagantahay dhaawacyada Lukaku isla markaas ayna ku faraxsanayn xaalada xiddiga.

Kooxda Inter Milan ayaa diyaar u ah in ay iska celiso xiddiga marka uu dhoco heshiiskiisa amaahd ah dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa dhinaceeda rajaynaysa in uu Lukaku qaab ciyaareedkiisii fiicnaa dib u helo si ay uga soo ceshtaan lacagtii ay kula wareegeen qayb ka mid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here