Duulimaadyada gudaha Mareykanka oo dhowr saacadood hakad galay.

0
80

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Isu socodka caadiga ah ee hawada ayaa si tartiib tartiib ah dib ugu soo laabanaya guud ahaan Mareykanka ka dib markii Rakaabkii diyaaradaha ee ku sugnaa gudaha dalka Mareykanka ay soo food saaray khalkhal iyadoo dhammaan duulimaadyadii gudaha ay hakad ku jireen saacado badan sababo la xiriira cillad dhanka qalabka garoomada ah.

In ka badan afar kun oo duulimaad ayaa dib u dhacay waxaana la joojiyay in ka badan lix boqol.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka xoghayaha gaadiidka Mareykanka Pete Buttigieg, wuxuu ku sheegay in mas’uuliyiintu ay ka shaqeynayaan sidii ay ugu xallin lahaayeen arrinta si degdeg ah isla markaana ammaan ah.

Aqalka Cad ayaa sheegay in marxaladdan, aysan jirin wax caddaynaya inuu dhacay weerar dhanka internetka ah.

Madaxweyne Biden ayaa amray in baaritaan lagu sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here