Sacuudiga oo wada fasaxay Xujeyda Caalamka.

0
87

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii ku dhawaaqday, in xajka sannadkaan uu noqon doono sida kuwi ka horreeyay inta aanu billaaban cudurka COVID-19, taasoo ka dhigan in aanan la xadeyn doonin tirada dadka raba in ay soo xajiyaan.

Isaga oo ka hadlayay magaalada ku taalla xeebta Badda Cas ee Jiddah, ayuu wasiirka Xajka iyo Cumarada Sacuudiga Towfiiq bin Fawzan al-Rabicah ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in la qaaday xadidaadda xajka.

Xaji sannadki 2019 ayaa waxaa Xarameynka Shariifka ah tagay in ka badan 2 milyan iyo 4 boqol oo kun oo qof, hase yeeshee sababo la xiriira faafista cudurka COVID-19 dartiis ayaa sannadki 2020-ki ay boqortooyada ka joojisay Muslimiinta caalamka. Sannadkaas ayaa waxaa xajiyay kaliyah 1,000 xujaay oo ku nool Sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here