Dugsiyo ku yaalla Maraykanka oo dacwad ku oogay shirkadaha iska leh baraha bulshada.

0
88

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dugsiyo dawli ah oo ku yaalla Seatle, Washington dacwad cusub ka gudbiyey shirkadaha waaweyn ee dhinaca teknoolojiyadda ee kala ah TikTok, Instagram, Facebook, Youtube iyo Snapchat, iyaga oo doonaya in lagula xisaabtamo dhibaatada caafimaadka dhinaca dhimirka ah ee ay u geystaan dhalinyarada.

Dugsiyada dadweynaha ee Seattle ayaa dacwaddooda waxay maalintii Jimcihii u gudbiyeen maxkamadda ku taalla degmadooda. Dacwaddan oo ka kooban illaa 91 bog ayaa ka hadlaysa in baraha bulshadu ay abuureen dhibaato dadweyne, iyaga oo wax soo saarkooda ku jiheeyey dhalinyarada da’da yar.

Dugsiyadan ayaa ku eedeeyey shirkadahan inay uga sii darayaan caafimaadka maskaxda iyo weliba dhaqan habaabinta da’yarta, gaar ahaan, isku buuqa, niyad-jabka dhalinta, cunto-xumada, iyo caga-juglaynta dhinaca internetka; arrimahan ayaa keenay inay adkaato in dhalinyarada wax la baro, taasoo dugsiyada ku khasabtay inay shaqaaleeyaan xirfadyahanno caafimaad oo la tacaala xanuunada maskaxda iyo inay ardayda u dhigaan, dhibaatooyinka ka dhasha isticmaalka baraha bulshada.

Shirkadaha waaweyn ayaa ku gabbada sharciga isgaadhsiinta ee tirsigiisu yahay 230 kaas oo shirkadaha waaweyn u ogolaanaya inaanay qaadin masuuliyadda ka dhalanaysa waxyaabaha ay ku baahiyaan dadka kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here