Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta oo Isniin Ah 9-ka Janaury.

0
96

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Arsenal ayaa xiiso u qabta 19 jirka daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona Alejandro Balde kaas oo aan wali saxiixin heshiis kordhin. (Sport – in Spanish)

Newcastle ayaa isku diyaarinaysa inay xagaaga u dhaqaaqdo 23 jirka reer France ee Bayer Leverkusen Moussa Diaby. (Bild – in Germal)

Aston Villa ayaa ku dhow inay guul ka gaadho wadahadalada ay kula soo saxiixaneyso 29 jirka daafaca uga ciyaara kooxda Real Betis ee Alex Moreno . (Football Insider)

 

 

Southampton ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo 25 jirka reer Japan ee kooxda Celtic Daizen Maeda. (Sky Sports)

Kooxda Racing Club ayaa diiday dalabka Southampton ee ku aadan 20 jirka khadka dhexe ee Argentine Carlos Alcaraz. (Telegraph – subscription)

Southampton ayaa laga soo diiday dalab 15 milyan ginni ah oo ay Lorient ka gudbisay 23 jirka weerarka uga ciyaara Nigeria ee Terem Moffi. (Mail)

 

 

Manchester United ayaa meesha ka saartay wararka la xiriirinaya daafaca reer England ee Harry Maguire iyo kooxda Aston Villa mana filayo inuu ka tagi doono kooxda marka la gaaro suuqa January. (Manchester Evening News)

Maalgelinta Isboortiga Qatar, milkiilayaasha Paris St-Germain , ayaa raadinaya inay maal-gashi yar ku sameeyaan koox kale waxayna wadahadalo sahamin ah la yeesheen guddoomiyaha Tottenham Daniel Levy. (CBS Sports)

Manchester City ayaa filaysa inay 6.5 milyan ginni kula soo wareegto 19 jirka khadka dhexe ee Argentina Maximo Perrone oo kaga soo biiray Velez Sarsfield todobaadkan. (Mail)

Agaasimaha Roma Tiago Pinto ayaa kalsooni ku qaba in daafaca England Chris Smalling, oo 30 jir ah, uu saxiixi doono qandaraas cusub. (Football Italia)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here