Roma iyo Ac Milan oo bar baro wada galay.

0
103

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Ac Milan ayaa bar-baro wakhti dambe ah kala kulantay kooxda AS Roma kulan ka tirsanaa horyaalka Talyaaniga kana dhacay garoonka San Siro.

Kulanka ayaa ahaa mid ay fiicantahay kooxda difaacanaysa horyaalka Talyaaniga iyaga oo ka awood badnaa kooxda tababare Jose Mourinho.

Daqiiqadii 30-aad ayay Ac Milan dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay daafaca Pierre Kalulu kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Ac Milan ahayd kooxda fiican isla markaas ka fiicnaa kooxda Jose Mourinho oo difaac ku jirtay.

Ac Milan ayaa daqiiqadii 77-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Tommaso Pobega kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/0.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here