Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shiinaha ayaa xudduudahiisa dib ugu furay dadka ka imaanaya caalamka markii ugu horreysay tan iyo markii ay xayiraadaha safarka soo rogtay bishii March ee sanadkii 2020-ka.
Muddo saddex sano ah, Shiinaha ayaa qaaday sharciyadii karantiilka ee loogu talagalay dadka dalkaas uga imaaneyey dibedda.
Waa tallaabadii u dambaysay ee ay dawladdu meesha uga saarreyso siyaasaddeeda ku dhisnayd ciribtirka kiisaska cudurka Covid-19.
Waxaa dadka booqanaya Shiinaha laga doonaya inay sitaan caddeyn muujineysa in qofka uusan qabin cudurka muddo 48 saacadood gudahood.
Isbeddelka lama filaanka ah ayaa horseeday sare u kac degdeg ah kiisaska coronavirus, wuxuuna ku kalifay in wadda