Manchester United oo Dooratay Badalka Cristiano Ronaldo.

0
88

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa u muuqata mid dooratay weeraryahanka ay xilli ciyaareedka inta ka hadhsan ku ciyaarayso ee xalka u noqon kara weerarkeeda uu ka baxay Cristiano Ronaldo.

Dhaliyaha ay United dooratay ayaa ah Wout Weghorst oo ka tirsan kooxda Burnley balse qaab amaah ah ugu maqan kooxda horyaalka Turkey-ga ee Besiktas.

Weghorst oo ay dhalasho wadaagaan tababare Erik Ten Hag ayaa lagu xasuustaa labadii gool ee uu Koobka aduunka kasoo dhaliyay xulka Argentina kulan xiiso badan oo ay barbardhac 2-2 ah galeen Argentina iyo Netherlands.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here