Liverpool oo Bar-Baro Niyd Jab leh Kala Kulantay Wolves FA Cup-ka Ayay Wada Ciyaareen.

0
92

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa lagu qasbay kulan ku celis ah wareega 3aad ee FA Cup ka dib markii ay barbaro 2-2 kala kulmeen kooxda Wolves oo marti ku aheyd garoonka Anfield.

Labo qalad uu sameeyay goolhaye Alisson ayaa ka caawisay Wolves inay shabaqa ka soo taabato Liverpool halka Mohamed Salah iyo Darwin Nunez ay labada gool u dhaliyeen Reds iyadoo VAR ay goolka guusha ka diiday Wolves dhamaadkii ciyaarta.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in kulan ku celis ah ay labada kooxood ku dheeli doonaan garoonka Wolves taasoo dhabarjab ku ah tababare Jurgen Klopp oo kulan dheeri ah ciyaarsiinaya kooxdiisa xilli kulamada xilli ciyaareedka ay durba ciriiri yihiin.

Liverpool ayaa si qalqal ah ku bilaabatay ciyaarta iyadoo Joel Matip uu halis u galay inuu kooxdiisa fursad ka dhiibo, laakiin taasi cashar kama aysan baranin iyadoo Wolves ay hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 26aad.

Goolhaye Alisson ayaa sameeyay qalad weyn ka dib markii baas loo soo celiyay uu isna u dhigay Guedes oo ka mahadceliyay hadiyada islamarkaana shabaqa faaruq ah toogtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here