Baroor-diiq loo sameynayo 40 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Senegal.

0
96

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Senegal, Macky Sall, ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq ah, ka dib markii ay isku dhaceen laba bas oo ay ku dhinteen 40 qof halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Shilka ayaa aroortii hore ee saaka ka dhacay waddada isku xirta Kaffrine iyo Touba ee marta bartamaha dalka Senegal.

Mr Sall wuxuu sheegay in saraakiisha ay kulan yeelan doonaan Isniinta si loo qaado tallaabooyin adag oo lagu xoojinayo ammaanka waddooyinka.

Shilalka gaadiidka ayaa ku badan dalka Senegal basle kani wuxuu ahaa shilkii ugu dambeeyay ee ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here