Jowhar – (Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa wadahadalo hordhac ah la yeelatay daafaca reer France ee Axel Disasi oo ka yimid Monaco, laakiin 24 jirkaan ayaa sidoo kale waxaa ku raad jooga kooxo badan oo Premier League ah. Mail
Real Madrid ayaa sii kordheysa rajooyinka ay ka qabto in ay Liverpool ku garaacdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka England ee Jude Bellingham oo 19 jir ah kana soo jeeda Borussia Dortmund. Marca – Spaniah
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Netherlands Frenkie de Jong, oo 25 jir ah, ayaa ka mid ah afar ciyaaryahan oo Barcelona ah oo aan iib heli karin bishaan, sida uu sheegay madaxweynaha kooxda Joan Laporta. Mirror
Ajax ayaa 40 milyan ginni u dejisay 22 jirka weerarka uga ciyaara Ghana Mohammed Kudus, kaasoo ay dooneyso Manchester United . Star