Chelsea oo Tallaabo U Qaaday Saxiixa Enzo Fernandez Laakiin Hal Dhib Ayaa Jirta.

0
113

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda chelsea ayaa tallaabo u qaaday saxiixa xiddiga Enzo Fernandez ka dib markii ay heshiis shaqsi ah la gaartay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Benfica, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Argentina.

Chelsea ayaa doonaysa in ay xoojiso khadka dhexe suuqa Januar waxana ay xiddiga koobka adduunka kula guulaystay Argentina u calaamadsatay bartilmaameedkooda 1-aad.

Enzo Fernandez oo 21 jir ah ayaa xagaagii hore ku biiray Benfica waxana heshiiskiisa lagu bur-burin karaa lacag dhan 120 milyan oo euro.

Blues ayaa haatan wadahadalo kula jirta kooxda Benfica iyaga oo doonaya in ay kala heshiiyaan qiimaha xiddiga khadka dhexe ku fiican.

Kooxda Graham Potter ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga Enzo Fernandez kaas oo ogolaaday in uu ku biiro kooxda ka dhisan woqooyiga London.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here