Golaha Ammaanka QM oo go’aan ka soo saaray xayiraadaha ay dumarka ku soo rogtay Taalibaan.

0
121

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ururka Taalibaan ee ka arrimiya dalka Afqaanistaan ka dalbaday in si deg deg ah uu uga noqdo mamnuucidda uu ururkaasi haweenka ka mamnuucay in ay ka shaqeeyaan hay’adaha samafalka.

Golahani oo ka kooban 15-ka xubnood ayaa sheegay in wax aad looga walaaco ay tahay xayiraadaha Taalibaanku ay ku soo rogeen dumarka dalkaasi, kuwaa oo ay sheegeen in ay lid ku yihiin ballanqaadyadii ururkani uu u sameeyay shacabka dalkaasi markii uu xukunka la wareegay.

Taliban ayaa todobaadkii hore xirtay shan haween ah oo ka qeyb qaadanayay banaanbax ka dhacay caasimada Afgaanistaan ​​ee Kabul, kaasoo looga soo horjeedo mamnuucida waxbarashada dumarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here