Klopp oo sharaxay sababtii ay Liverpool guuldarrada kala kulantay Manchester City

0
96

Jowhar – (Radio Isnaay ) – Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sharaxay sababtii ay Reds guuldarada kala kulantay Manchester City kulankii xalay ee koobka Carabao Cup.

Manchester City ayaa kaga adkaatay dhigeeda Liverpool 3-2, kulan qeyb ka ahaa wareega 16-ka koobka Carabao Cup, kulan ka dhacay garoonka Etihad.

Ciyaarta kaddib macalinka reer Germany ee Jurgen Klopp ayaa la hadlay warbaahinta wuxuuna yiri:

“Waxaan u ciyaarnay qaab aanan u ciyaarin waqti dheer, waxaana ay ahayd inaan wax badan ka bedelno tababarkii ugu dambeeyay, waxaan u baahanahay waqti aan la qabsano.”

“15-kii daqiiqo ee ugu horeysay waxaan ku jirnay dhibaato dhab ah, taasina waxay dishay kalsoonideena.”

“Goolasha nalaga dhaliyay gabi ahaan waxay ahaayeen kuwo aan loo baahnayn, waxaan haysanay waqtiyo fiican, waxaan dhalin karay goolal badan sidoo kale, waa natiijo ay tahay inaan hadda la noolaano.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here