Haween lagu xirxiray dalka Afghanistaan.

0
103

Jowhar – ( Radio Isnaay )-  Ciidamada ammaanka Afghanistan oo xabsiga u taxaabay haween dhigayey mudaharaad ay uga soo horjeedaan xayiraadda waxbarashada jaamacadaha haweenka laga saaray.

Muuqaal haweenka mudaharaadaya laga soo duubay aya amuujinaya haween badan oo isugu soo baxay magaalada Kabul kuna dhawaaqaya halku dhigyo ka dhan ah dowladda Taalibaan uu hoggaamiyo.

Maleeshiyada Taalibaaniyiinta ayaa hor istaagay haweenka mudaharaadayey kaddibna xabsiga u taxaabay ugu 5 ka mid ah haweenki mudaharaadayey iyo wariyeyaal dhowr ah.

Mudharaad kaa la mid ahna waxay ka dhaceen gobolka Takhaar oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi.

Arbacadi ciidamada ammaanka waxay hor istaageen arday badan oo haween ah oo jaamacadaha wax ka baranayey inuu jaamacadaha galaan, maalin un kaddib marki maamulka afghanistaan uu haweenka ka mamnuucay waxbarashada sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here