Gabar ka badbaadday kansar halis ah ka dib daawo cusub oo lagu tijaabiyay.

0
105

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Gabar yar oo uu ku dhacay kansar aan la daweyn karin ayaa waxaa lagu guuleystay in gebi ahaanba jirkeeda laga saaro cudurka, kaddib markii ay heshay nooc cusub oo daawo ah oo markii ugu horreysay la tijaabiyay.

Dhammaanba daaweynta kale ee la siiyay Alyssa, oo qabtay kansarka dhiigga, ayaanan wax tarin.

Sidaas darteed, dhaqaatiirta Isbitaalka Great Ormond Street Hospital ayaa adeegsaday “tifaftir” si loogu sameeyo daawo ayada munaasib ku ah.

Lix bilood kaddib kansarka ayaa laga waayay jirkeeda, balse Alyssa weli waxaa xaalkeeda la soconaya dhaqaatiirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here