Modric oo kula taliyay Real Madrid inay la soo saxiixdaan mid ka mid ah ciyaartoydii ka soo muuqday koobkii adduunka ee 2022.

0
111

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Laacibka reer Croatia ee Luka Modric ayaa kula taliyay masuuliyiinta kooxda Real Madrid inay la soo saxiixdaan mid ka mid ah ciyaartoydii ka soo muuqday koobkii adduunka ee 2022.

Daafaca reer Croatia iyo kooxda Leipzig ee Joško Gvardiol, ayaa horay loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxaha Manchester City, Chelsea iyo Real Madrid, tan iyo markii uu wacdaro ka dhigay Koobka Adduunka ee Qatar.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Sport” ee dalka Spain, Luka Modric ayaa warbixin wanaagsan oo ku saabsan laacibka ay isku dalka yihiin ee Joško Gvardiol siiyay madaxda Real Madrid, wuxuuna kula taliyay inay lasoo saxiixdaan.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in caqabada kaliya ee Real Madrid kahor taagan inay la saxiixato Joško Gvardiol, ay tahay awooda wax iibsiga ee kooxaha Premier League, kuwaaso laga yaabo inay bixiyaan in ka badan 90 milyan oo Yuuro si loo xaliyo heshiiska laacibka reer Croatia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here