Labo Qof oo ku dhintay Dhul gariir ka dhacay Wadanka Mareykanka.

0
107

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Labo qof ayaa ku dhintay tobannaan kun oo guryo la daggan yahay ahna waxaa ku dhacday koronto la’aan ka dib markii uu dhul gariir cabirkiisu yahay 6.4 magnitude ruxay waqooyiga gobolka California ee dalka Mareykanka.

Dhul gariirka oo ku dhuftay meel 215 meyl (350km) u jirta waqooyiga San Francisco ayaa burbur xoog leh u geystay waddooyinka tareennada.

“Wax walba oo darbiyada ku dhagganaa wey soo jabeen,” ayuu yiri JB Mathers, oo ka mid ah dadka degan magaalo xeebeedka Eureka.

Maamulka gobolka ayaa xiray waddooyin badan waxayna shacabka uga digeen saameyn kale oo ka dhalan karta dhul gariirkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here