Elon Musk oo go’aan ku qaatay afti uu u soo bandhigay dadka isticmaala Twitter.

0
109

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Elon Musk ayaa sheegay inuu ka fadhiisan doono shaqada madaxa twitter-ka marka uu helo qof la wareego maamulka guud ee shirkadda Twitter-ka.

Musk ayaa ballanqaaday inuu tixgelin doono natiijada afti uu u soo bandhigay dadka isticmaala barta twitter-ka oo uu ku weydiinayay inay u codeeyaan “haa” haddii ay rabaan inuu ka fadhiisto maamulka shirkadda twitter.

Isbadellada ka dhacay twitter-ka tan iyo markii uu Elon Musk la wareegay ayaa si weyn loo cambaareeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here