Benzema oo ku dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah ee France.

0
104

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ku dhawaaqay inuu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah ee France, saacado kaddib markii xulkiisa uu ku guuldarreystay Koobka Adduunka 2022 ee Qatar.

Xulka Argantina ayaa loo caleemo saaray Koobka Adduunka 2022 kaddib markii ay rigoorayaal 4-2 ah kaga qaadeen dhigooda France, ciyaar leysku daalay oo ku dhammaatay barbardhac 3-3 ah.

Benzema ayaa dhaawac ku seegay kulamadii France ee koobkii aduunka ee ka dhacay Qatar inkasta oo uu liiska ku jiray oo uu wakhti kasta ka qayb qaadan karayay laakiin tababare Didier Deschamps ayaa door biday in aanu isku hallayn inkasta oo uu bilihii la soo dhaafay xaalad fiican kaga sugnaa Los Blancos.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here