Mohamed Salah oo ku Guuleestay Abaal-marin Muhiim ah oo Taageerayaasha Liverpool Sabab u ah.

0
100

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mohamed Salah ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa Liverpool sannadka 2022 ee ay u codeeyaan taageereyaashu, taas oo uu ku garaacday saddex ciyaartoy oo kale oo kula tartamayay.

Xiddiga reer Masar ayaa sannadkii saddexaad oo xidhiidh ah ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee taageereyaasha oo sannadihii 2020 iyo 2021 uu sidan oo kale u qaaday.

Taageereyaasha Liverpool ayaa sannad walba u codeeya xiddigooda ugu wanaagsan, waxaana 30 jirkan codkooda siiyey 76% taageereyaashii codkooda dhiibtay.

Salah oo sannadkan 2022 dhaliyey 22 gool oo dhamaan tartamada ah laga soo bilaabo bishii January, ayaa waxa uu Liverpool ka caawiyey inay ku guuleysato FA Cup iyo Carabao Cup, halka sidoo kalena ay yimaaddeen finalka Champions League oo ay Real Madrid ka qaadday Koobka. Sidoo kale, waxay kaalinta labaad  kaga dhamaysteen horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here