Taageerayasha Argentina iyo France oo tirinaya saacadaha ka dhiman ciyaarta xiisaha badan ee Final-ka.

0
110

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xulka qaranka France ayaa maanta la ciyaari doona xulka Argentina finalka koobka aduunka ee ka dhacaya dalka Qatar.

Waa ciyaar ay iska hor imanayaan laba ka mid ah awoodaha soo jireenka ah ee ciyaaraha iyo sidoo kale labada ciyaartoy ee waa wayn ee ciyaarta, Lionel Messi oo Argentina ah iyo Kylian Mbappé oo reer France ah.

Labada ciyaaryahan ayaa sidoo kale ku tartamaya kabta dahabka ah, taaso ah abaal marinta la guddoonsiiyo gooldhaliyaha ugu sarreeya tartanka.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ku sugnaan doona dalka Qatar si uu u daawado xulkiisa qaranka oo isku dayaya iney difaacdaan Koobka Adduunka.

Taa bedelkeeda, madaxweynaha Argentine, Alberto Fernandes, ayaa gurigiisa ku daawanaya ciyaarta sida malaayiin muwaadiniin ah

Taageerayaasha xiisaha badan ee France iyo Argentina ayaa ku xisaabtamaya saacadaha ay ku ballansan yihiin finalka koobka aduunka ee lagu xusuusan doono Doha.

Tababaraha faransiiska Didier Deschamps oo kabtan u ahaa France guushii 1998 ayaa sidoo kale u tartamaya inuu noqdo tababarihii ugu horreeyay tan iyo Vittorio Pozzo oo Talyaani ah 1938 si uu ugu guuleysto koobab xiriir ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here