Shaqaalaha dowladda Mareykanka oo laga mamnuucayo isticmaalka TikTok.

0
57

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Nancy Pelosi ayaa taageertay in lagu daro doodda miisaaniyadda maaligelinta dowladda Federaalka sharciga uu ansixiyay Aqalka Sare ee Senate-ka toddobaadkan, kaas oo ka mamnuucaya shaqaalaha dowladda federaalka Mareykanka inay isticmaalaan aaladda TikTok ee Shiinaha laga leeyahay.

Afhayeen u hadlay Pelosi ayaa sheegtay inay taageersan tahay in lagu daro qodobka TikTok doodda Golaha Wakiilada ee toddobaadka soo socda.

Taageerada Pelosi, oo ay weheliso tan Kevin McCarthy, oo ah hoggaamiyaha aqlibiyadda Jamhuuriga ee Aqalka, ayaa si weyn u kordhinaysaa fursadaha ansixinta miisaaniyadda dowladd Federaalka.

Senetka ayaa Arbacadii u codeeyay hindise sharciyeed uu qoray Seneter Josh Hawley oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, kaas oo shaqaalaha dowladda ka mamnuucaya inay App-ka Tiktok ku isticmaalaan Kumbuyuutarada iyo telefoonadda dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here