FIFA oo shaaciyay Isbadal lagu Sameeyay Xulalka Adduunka iyo Tirada oo la kordhiyay.

0
123

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa shaacisay in la ballaadhinayo Koobka Adduunka naadiyada dunida oo laga dhigi doono 32 kooxood, si la mid ah Koobka Adduunka ee xulalka, kaas oo loo qaabaynayo si ka duwan nidaamkii hore looga bartay tartanka.

Isbeddello badan ayay FIFA ku samayn doontaa Koobka Adduunka naadiyada, waxaana lagu soo kordhin doonaa 25 kooxood oo kale halka ay hadda kaliya ka qayb-galaan toddoba kooxood.

Madaxweynaha FIFA ee Gianni  Infantino oo maanta la haadlayay saxaafadda ayaa daboolka ka qaaday in isbeddelka Koobka Adduunka naadiyada la hirgelin doono sannadka 2025, laga guuri doono qaabkii hore ay u iman jireen kooxaha ka qayb-gelaya oo ahaan jiray naadiyada kusoo guuleysta Koobabka qaaradahooda, sida Champions League, Copa Libertadores, African Champions League iyo Asia Champions League.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here