Xiriirka kubadda cagta Morocco oo dacwad u gudbiyey FIFA

0
108

Jowhar – ( Radio Isnaay) – Xiriirka kubbada cagta Morocco (FMRF), ayaa u gudbiyey dacwad xiriirka kubbada cagta adduunka ee Fifa, taasoo ku saabsan garsoorihii dhex dhexaadinayay kulankii Arbacadii ee afar dhamaadka koobka adduunka, uga adkaadeen xulka difaacanaya koobka adduunka ee ka socda dalka Qatar.

FMRF ayaan ku faraxsaneyn in garsooraha reer Mexico ee, Cesar Ramos, uu ku guul daraystay inuu rigoore u dhigo qaybtii hore ee ciyaarta kooxda ka socotay Waqooyiga Africa, markii Theo Hernandez uu si khalad ugu gafay Sofiane Boufal, aagga lagu helo gool ku laadka.

Halkii lagu abaal marin lahaa rigoore, taasoo dhowr dhinac ay dareemeen inay ku habboon tahay, Ramos ayaa taa beddelkeeda jaale ku qaatay Boufal, oo qalad uu ka galay.

Kooxdii ugu horeysay ee Afrikaana, haddana dhanka kale Carab ah oo u gudubta heerka afar dhamaadka Koobka Adduunka, Morocco ayaa loogga badiyay 2-0.

Kadib markii uu qeybta hore uu u dhaliyay daafaca bidix Hernandez gool kooxda Faransiiska, halka goolka labaadna uu u dhaliyay Randal Kolo Muani, oo bedel ku soo galay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here