Argentina Vs France Final-ka Koobka Adduunka.

0
127

Jowhar – ( Radio Isnaay )  –  Waxa la soo gaba-gabeeyay kulamada Semi-final-ka koobka adduunka ka socda dalka Qatar iyada oo la ogaaday labada xul ee isku haleeli doona Final-ka koobka adduunka.

Xulalka Argentina iyo France ayaa ku kulmi doona kulanka kama dambaysta ah ee koobka adduunka Qatar 2022.

Kulanka ayaa lagu ciyaari doonaa garoonla Lusial Stadium waxana la ciyaari doonaa 18 bishan oo ku beegan maalinta Axada soo socota.

Xulka Frane ayaa raadinaya in uu markii 3-aad ku guulaysto koobka adduunka halka uu sidoo kale doonayo in uu markii 2-aad oo xidhiidh ah ku guulaysto.

Dhinaca kale xulka Argentina ayaa doonaya in uu markii 3-aad ku guulaysto koobka adduunka iyo markii ugu horaysay tan ilaa 1978.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here