Madaxweynaha Koofur Afrika oo xil ka qaadis ka badbaaday.

0
108

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa laalay go’aan lagu doonayey in xilka laga qaado madaxweynaha dalkaasi Cyril Ramaphosa.

Baarlamaanka dalkaasi oo aqlabiyaddiisa uu leeyahay xisbiga madaxweynaha ee ANC ayaa diiday gabi ahaanba eedda madaxweynaha loo soo jeediyey isla markaana garab istaagay.

Madaxweyne Ramaphosa ayaa lagu eedeeyey inuu lacag tira badan uu beertiisa ku qariyey, inkasta oo madaxweynaha uu eeddaasi diiday.

Ramaphosa mar haddii uu xil ka qaadis ka badbaaday waxaa loo badinayaa shirweynaha xisbiga ee Jimcaha dhacaya in markale loogu doorto guddoomiyaha xisbiga ANC.

Haddii uu guddoomiyenimada uu ku guuleystana wuxuu markale uu iisu soo taagayaa xilka madaxweynaha doorashada 20024-ka dhaceysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here