Wiil 8 jir ah oo u dhashay India oo ku dhintay ceel uu ku dhacay.

0
100

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wiil 8 jir ah ayaa bartamaha dalka Indiya laa helay isaga oo meyd ah gudaha ceel biyood oo Uu ku dhacay ka dib markii uu ku jiray muddo ka badan ku jiray 78 saacadood

Isku dayo aad rajadoodu u yareyd ayaa lagu sameyey wiilkaasi oo Tanmay Sahu la oran jiray oo ku dhacay ceelka oo 15 mitir ahaa malainimadii Talaadada.

Shaqaalaha badbaadada ayaa saddex maalmood ay kuqaadatay baadigoobka iyo in ay oksijiin u helaan wiilka oo xilligiii loo baahnaa la gaari waayey .

Ceelasha biyaha ee ganacsiga ah ee dalka India ayaa inta badan laga tagaa iyagoo afku u furan yahay marka ay qalalaaantaas oo keenta qataro aad u badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here