Real Madrid Oo Dhamaystirtay Saxiixa Haaland-ka Cusub.

0
100

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay 60 milyan oo euro ku dhamaystirtay saxiixa xiddiga aadka loo qiimeeyo ee Endrick sida ay sheegayaan wararku.

Chelsea, Man United iyo PSG ayaa dhamaantood xiiso u qaba saxiixa xiddiga 16 jirka ah laakiin Real Madrid ayaa u muuqata kuwo ku guulaystay saxiixa xiddiga.

Endrick ayaa kaliya todobo kulan u saftay kooxda 1-aad ee Palmeiras, laakiin waxa uu durba dhaliyay seddex gool.

Xiddiga da’yarka ah ayaa sidoo kale 5 gool u dhaliyay 4 kulan oo uu u ciyaaray xiddigaha da’yarka ah ee xulka qaranka Brazil.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Real madrid hogaanka u hayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here