Bannaanbaxayasha iyo Milateriga Sudan oo heshiis gaaray.

0
102

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dalka Sudan waxaa heshiis ku saxiixay militariga dalkaasi iyo guddiga shacabka, si loo soo afjaro is marin waaga siyaasadeed ee muddooyinkii u dambeeyey kajiray dalkaasi.

Heshiiska cusub ayaa dhigaya in dowlad cusub ay wada dhistaan militariga iyo rayidka, iyo in mudaddaasi lagu diyaariyo barnaamij kala guur siyaasadeed oo Sudan looga hergelinayo dowlad rasmi ah oo rayidku hoggaamiyo.

Muddo sannado ah ayaa waxaa khalalaaso siyaasaded iyo mid amni uu kajiraa dalka Suudaan, hayeeshee dhawaan la rajeeynayo inay dhammaadaan oo la dhiso dowlad ay ku midysan yihiin Millateriga iyo Rayidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here