Haweeney malaayiin doollar oo magdhow ah ka dooneysa shirkad baastada sameysa.

0
103

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Qof ku nool gobolka Florida ee dalka Maraykanka, ayaa shirkadda Kraft ka gudbiyey dacwad.

Dacwaddan, ayuu ruuxan ku doonayaa in shirkadda laga qaado lacag dhan shan milyan oo Dollar oo magdhaw ah.

Sababta ayey ku sheegtay in wakhtiga diyaarinta ee baastada Macaroni-da aanu ku jirin wakhtiga lagu xusay tilmaamaha ku dul qoran baakadda alaabadan.

Xirmada alaabta la yiraahdo ‘Velveeta Shells and Cheese’ oo ay soo saartay shirkadda Kraft Heinz ee cuntada, ayaa sheegaysa in baastada Jiiska lagu diyaarin karo saddex daqiiqo iyo bar.

Si kastaba ha ahaatee, Amanda Raminez ayaa dacwad ka gudbisay bishii hore, iyadoo ka cabatay in waqtigu furista baakadda aaney shirkaddu ku darin waqtiga karinta.

Qareenada Raminez, ayaa sidoo kale ku dooday in shirkadu ay joojiso xayaysiinta loo soo gudbiyo macaamiisha ee “marin habaabinta” ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here