Chelsea oo dhabar jab weyn kala Kulantay daafaca RB Leipzig ee Josko Gvardiol.

0
110

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa dhabar jab weyn kala Kulantay daafaca RB Leipzig ee Josko Gvardiol kadib markii uu daaha ka qaaday rabitaankiisa ah in uu u ciyaaro Real Madrid mustaqbalka.

Blues ayaa xagaagii la soo wareegtay Kalidou Koulibaly iyo Wesley Fofana laakiin waxaa si joogto ah loola xiriirinayay xiddiga reer Croatia.

20-sano jirkaan ayaa xulkiisa ka caawiyay inay u soo baxaan wareega 16ka Koobka Adduunka, isagoo shabaqeeda ilaashaday kulankii ay barbaraha 0-0 la galeen Belgium, isagoo la hadlayay Revelo ciyaarta ka dib, wuxuu furay fursad uu ugu wareegi karo Santiago Bernabeu.

“Real Madrid waa kooxda ugu weyn aduunka, marka yaa garanaya, laga yaabee in maalin aan ka ciyaari karo halkaas” ayuu daafacan u sheegay majaladda Spain.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here