Dad Xanuunka Daacuunka Ugu Geeriyooday dalka Kenya.

0
100

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ilaa 8 qof ayaa lagu soo warramayaa in cudurka daacuunka ay ugu geeriyoodeen xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi.

Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay ayaa la diiwaan-geliyay in ilaa toban qof ay xanuunkaasi ugu geeriyoodeen xaafadda.

Maamulka xaafadda iyo mas’uuliyiin ka tirsan ismaamulka Nairobi oo ka hadlay kiisaskan soo kordhay ayaa ku boorriyay dadka deegaanka in ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, islamarkaana ay ku dadaalaan xaqiijinta nadaafadda cuntada iyo biyaha.

Sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka ee xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi, ugu yaraan 60 qof ayaa dhowrkii toddobaad ee ugu dambeeyay laga daaweeyay cudurkan oo laga qaado nadaafad darrada.

Kulan ay yeesheen milkiilayaasha guryaha xaafadda Kayole iyo hoggaamiyayaasha bulshada deegaankaas ayay ka sheegeen inay ka go’antahay xaqiijinta  iyo sare u qaadidda nadaafadda deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here