Bruno Fernandes oo si ka duwan Sida La Filayay uga Hadlay Goolka laga diiday Cristiano Ronaldo.

0
132

Jowhar – ( Radio isnaay ) – Laacibka khadka dhexe ee Manchester United ayaa karoos u soo dhigay Ronaldo kaasi oo aan kubada taaban waxana ugu danbeyn loo qoray Bruna Fernandez.

Bruno Fernandes ayaa sheegay in uu u malaynayay in Cristiano Ronaldo uu dhaliyay goolkii furitaanka ee Portugal kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Uruguay isniintii inkasta oo uu isagu dhaliyay goolka.

Ciyaaryahan Fernandes ayaa dhamaadkii ciyaarta gool rigoore ah ka dhaliyay xulka Uruguay taasi oo keentay inay kasoo baxaan guruubka.

Guushaan ayaa dammaanad qaaday inay Portugal u soo baxayaan wareega 16kaee dalka Qatar.

“Waxaan u dabaaldegay sidii inuu ahaa goolkii Cristiano, waxay iigu muuqatay inuu kubada taabtay, ujeedkaygu wuxuu ahaa inaan kubbada u dhaafo isaga,” Fernandes ayaa yidhi.

“Waxa muhiimka ah ayaa ah in aan awoodnay in aan u gudubno wareega xiga oo aan guul muhiim ah ka gaarno koox aad u adag”.

Fernandes ayaa ka digay in Portugal ay ku qasban tahay inay soo bandhigaan qaab ciyaareedkooda ugu wanaagsan kulanka ugu dambeeya ee group-ka Jimcaha ay la ciyaarayaan South Korea, iyagoo leh dhibic ku filan inay u dammaanad qaadaan kaalinta koowaad ee Group H.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here